Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe
iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay)
Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay
Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam
Faysal Cali Waraabe |
Inj. Faysal waxa uu arinta Samsam ka yiri: Looma baahna "in arrintan Maxamed Xaashi laga dhigo tii Samsam
oo kale oo aan lagu mashquulin" waxana uu intaas ku daray "in wakhtigii lagu lumiyay waxaan sakaaro ka biirsan, laga soo bilaabo
doodii Caqli Keen la baxday, Shirkii burco ee dhakhaatiirta ee Burco, Samsam iyo arrintan Ina Xaashi ee imika..." [waxa uu Hadalkaas ka yiri shir lagu qabtay Bristol, UK, Dec 19, 2004]
Fahad Yaasiin waxa uu yiri: "Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana
waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha
gabadhaas haysta." Faaladii Dec 27, 2004
|
Abshir Nuur Faarax Waa abwaan Soomaaliyeed oo laga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa mar walbana gabay ku cabira xaaladda
markaas taagan, wuxuuna gabaygaan ku cabbirayaa ama ku dhaliilay hadalladii ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ku aaddan
gabadhii Zam-Zam Axmed Ducaale oo ah gabar aan hubeysnayn isla markaana gashay guri nin madax ah, dambina looga dhigay
gelidda gurigaasi, wuxuuna aad uga xumaaday markii gabadhaasi gurigiisa laga jiitay uuna awoodi kari waayay inuu yiraahdo
gabadha hala sii daayo. taasoo keentay in gabadhaasi la xiro isla markaana Maxkamad la soo taago Wuxuu sheegay Abshir
Bacadle sababta loo xirey gabadhaas ay tahay in Reer Waqooyigu ay doonayaan inay sameeyaan wax fool xumo ah oo ay ku
nacaan reer koofureedka.
Abshir Nuur Faarax waxa kale oo arrinta gabadha ku baraarujiyay Weriye Fahad Yaasiin
oo todobaad ka hor qoray maqaal uu hal-ku-dhig uga dhigay (Gabyaagii Wahaabiyada maxaa hadal looga waayay).
Abshir Nuur Faarax (Bacadle) wuxuu ku dhashay Degmada Mustaxiil ee Zone-ka shanaad ee Soomaalidu
dagto ee Itoobiya sannadkii 1946-kii, wuxuuna weligiis ku dhex jiray ganacsiga, wuxuuna gabayga uu ka tiriyay Zam-Zam ku billaabay
sedan:
-
Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray
-
Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday
-
Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday
-
Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay
-
Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne
-
Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin
-
Gu’gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada
-
Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline
-
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
-
Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda
-
Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin
-
Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay
-
Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye
-
Guddiga habar-magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin
-
Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya
-
Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye
-
Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay
-
Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye
-
Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna
-
Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede
-
Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa
-
Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay
-
Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye
-
Go’aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin
-
Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye
-
Zam-Zamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye
-
Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine
-
Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay
-
Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay
-
Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin
-
Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede
-
Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna
-
Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay
-
Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda
-
Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa shuuci gaamuraye
-
God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene
-
Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye
-
Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye
-
Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin
-
Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene
-
Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene
-
Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye
-
Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday
-
Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay
-
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
-
Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay
-
Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay
-
Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye
-
Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine
-
Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay
-
Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane
-
Inaad naga go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’
-
Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin
-
Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye
-
Go’aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige
-
Gidaar adag ragbaa u dhigay si aan la iiga kaa goyne
-
Intey caradu gaagixi un baad gooni joog tahaye
-
Inaan gacan labaad kuu fasaxo iima soo geline
>>>>>>>>>>>>>>>>> Abshir bacadle
JAWAAB KU SOCOTA ABSHIR BACADLE
 Cabdillaahi Cawed Cige
|
“Gobannimo”
Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo “Gobannimo” soona baxday 8dii January 2005
waxa ay ka jawaabaysaa gabayga Abshir Nuur Faarax(Bacadle) uu ka tiriyay gabadha Hargeya ku xidhan.
"Gobannimo"
1. Gaafmeeray maalmahan sidii; Goosad lay yidhi,
2. Nin uun baa gartaydana ogoo; Dedaya
uun goore!!!
3. Abshirow guyaalladan ma tirin; Gabay xidhiidhkiiye,
4. Geeraar ma soo curin intaan; Gudiyay
qaafkiiye,
5. Godka lagu negeeyiyo ka tegay; Gobolladiisiiye’
6. Galladdiisa niman baa badshaan; Sii guraay
idhiye’
7. Waxse maanta igu soo gingimay; Maanso gelisteeda’
8. Gujadaada weeyee bal aan; Galalka
baadhbaadho!
9. Garta inanta lagu foororshiyo; Kiiskan go’iwaayay’
10. Sheekada galbeed iyo Nugaal;
Geeskastaba dhaaftay’
11. Gasac iyo xumaha lays marshiyo; Hadalka geesaasan
12. Gurrac iyo inuu khalad
ku jiro; Kuu garawsaniye’
13. Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad; Gelisay baaruudda’
14. Magaadliyo godkaad
taabataan; Gocanayaa mooyi
15. Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi!
16. Godobtaad Isaaq taarataan;
Gocanayaa mooyi!
17. Lixdankaad ku goobyaashay baan; Goconayaa mooyi!
9. Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka
wada taagan
10. Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta
11. Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro
guuxaaya
12. Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin?
13. Miyaanaan go’aammiyo ka qorin; Xeerar
wada geydhan?
14. Miyaanaan xilkii nala gudboon; Garannin dawgiisa?
9. Gar ilaah taqaan baa Islaam; Gole ka
naadshaaye’
10. Garaad diin leh baan kuu maqliyo; Caalin gaammuraye’
11. Misna taadu good iyo ka
daran; Guba ku nooleeye’
12. Iyadoo geyiga aan fadhiyo; Culimo guurayso’
13. Oo ay diintu gaashaan
u tahay; Gebi astaantayda’
14. Gacalkaaga anigoo ah iyo; Garabka xooggiisa’
15. Maxaad gaalo ii
daba-dhigtiyo; Xabashi gaankeeda?
16. Gabaygii wadaadkii miyaan; Lagaba guuraynba?
17. Gefka aniga lay bado
miyaan; Qalin geyaa joogin?
33. Gobollada isdiidiyo anoon; Gelin ammuur sheexan
34. Dhulkaad tayda geysiyo
anoon; Gacantogaalaynin
35. Badahaas guntoodiyo anoon; Gaadhin dhagartaada
36. Taariikhda guunka ah anoon;
Dib ugu guuraynin
37. Gelin hore wixii dhacay bal aan; Guudmar ugu laabto!
38. Guudkayga nabarraa ku yaal;
Boogo gaammuraye’
39. Feedhaha goshayduu damqaa; Weli gunaadkiiye’
40. Gurbood iyo dhallaan lama
hambayn; Gawricii dhacaye’
41. Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo; Socodka goynaaya’
42. Gadhcasiyo
dhallaan kama ay tegin; Gaasaskii helaye’
43. Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo; Go’o nawaaxeeda’
44.
Guudka Ceerigaabiyo, Berbera; Godanka Shiikh yaallo’
45. Gabaahiir Hargeysaa la baday; Maalin gelinkeede’
46. Gaal baaba loo soo dalbaday; Gelelefkaygiiye’
47. Guullaha Raxmaankaa baxshiyo; Geeljirii kacaye’
48.
Inaan gaag ka hadhin baa tashiga; Loo guddoonsadaye’
49. Intaas oo guhaad igu dhacdiyo; Aafo igu geydhan’
50. Inaan godob ku seexdiyo ma rabo; Aano iyo giire’
51. Goosashada adaan Faaraxow; Gawska ku adkaynin’
52. Gar ninkii akhriyay waa inuu; Xaqa ku gooyaaye’
53. Gobollaa israaciyo mar bay; Garo irmaanaatay
54. Waxba beri gu’ baa lays ogaa; Gaawe haw culanne’
55. Godkaas waxa fadhida xaajo aan; Laga
geyoonayne’
56. Laba gudub ahaatoo tolnimo; Guudka ka wadaagta’
57. Geelaaga oo kuu tarmiyo; Kayga
garabjooga’
58. Gacal, gacal hantiyay ay farxadi; Gunudday laabtiisa’
59. Gobannimo bartaasay
jirtaa; Garashadeed qaado’
60. Geeraarka maantana waxaan; Talo ku soo gooyay
61. Gacalow ha marin surimadaad;
Gabayga qaadsiiyay
62. Anna gocasho taan qabo xumaan; Ha igu gaadhsiinnin’
Nabaadiino
>>>>>>>>>>>>>>>>GOBONIMO
GARSOOR (Gabay)
Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon omarabdinur@hotmail.com London – UK, 13.01.2005
Gabaygaan “GARSOOR” wuxuu soo baxay taariikda kor ku qoran, waana aragti iyo
tusaaleyn ku aaddan qaddiyad bilahaanba qabsatay saxaafadda Soomaalida, oo ah inanta yar ee ku jirta jeelka magaalada Hargeysa.
Ujeedada ugu weyn ee gabaygaan loo tiriyey waa ka hortag fidno-gabayeed ka dhalan karta suugaan qabyaaladeysan oo aan gabadha
xiran iyo qaranka Soomaaliyeed midna u adeegaynin. Gabaygu wuxuu isku dayayaa in uu u garsooro labada dhinac ee gabayaaga
ilaa hadda ka gabyey arrintaan ee dhanna Abshir Bacadle bilaabay dhanka kalana Cabdillaahi Cawed Cige. Ugu danbeyntii wuxuu
gabaygu ku talinayaa in halkaas lagu hakiyo afkahadalkaan gabayeed is aan Guba cusub oo heer qaran ah uga dhalan, taas oo
aan aahkiro iyo adduunyo midna dan ugu jirin ummadda Soomaaliyeed ee tabaalo ku filan horay u soo gaartay. Wuxuu yiri:
- Gabadhii agoontee martiday, gacalka kay moodday
- Ee jeelka lala gaadhay ee, gaalshiraha jiifta
- Ee godobta wayn laga galee, gocasho ooyaysa
- Nin kastoo garaad lihi middaas, waa ka gubayaaye
- Gurmad kale haddaan heli karayn, galabta aan joogo
- In Ilaahay gacansiiyo oo, gabanta soo daayo
- Oo caafimaad lagu gallado, cudurna soo gaarin
- Oo samirka garansiiyo ooy, gowska ku adkayso
- Geeraarro wixii aan kariyo, gabayga mooyaane
- Guullaha Ilaah wow baryiye, inanta gaarsiiya.
-
- Xaajadaan gurracan ee dad badan, gees walba u qaaday
- Ee gudaha iyo dibad mar hore, hadalku uu gaaray
- Ee Guba sideedii la rabo, gabay la hayb raaco
- Intaan xaalku googaale noqon, gaasna lagu daarin
- Garnaqsiga bilowgaa intaan, xumo la gaarsiinin
- Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad guda wayne
- An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe.
-
- Abshir Bacadle gabayguu tirshaan, guudka soo marine
- Inuu gabadh u hiilliyo ma xuma, oo waa gob taladeede
- Ha yeeshee hal uu geesmaroo, gaabshay baa jiraye
- “Beelyahay gadooddoo go’doo, gabar ku ciilbeeshay”
- Iyo hadalka guud ee bulshada, lagu garaaxeeyey
- Gardarreysigaas baan arkaye, gabay ma doonteene
-
- Gobta Habar-magaadlood ma oran, gabadha aafeeya
- Ama jeelka geeyoo ku xira, guri ibliis joogo
- Gafanaha cayiley baa xukuma, gobolka aad sheegtay
- Gaandheri direys loo gashuu, gorofku haystaaye
- Garyaqaanno doodaa jiroo, jeelka loo guraye
- Qaar bay ilmadu gobo’ tiraa, oo ka go'ay quude
- Gama’iina qaar baa ka tagay, gogol firaashkeede
- Ururraa gurmaday oo kacoo, dunida gaarsiiyey
- Qoraallaana taariikhda galay, laga gariiraaye
- Guurtina dadaal kuma yaree, gacalle aashaada.
-
- Inaad gabar u dooddaa walaal, gabarna eedeyso
- Oo guriga oorida la tagay, gogol ka sheekeyso
- Oo hinaase gaamuray dhahdaa, baa gaddaa dhigaye
- Gablan malo-awaal gabayga waa, gaabinahayaaye
- Gunta iyo ujeeddada ayuu, gees ka marayaaye
- Go’aankii maxkamaddaa ku filan, gacantogaaleyne
- Aan ka gudubno ceebaal qarsoon, gole ka sheegeeda.
-
- Afartaas gorfeeyaye haddaan, gobo’ yar raacsiiyo
- Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
- An gunaanadoo eray ku daro garasho waa qaybe
-
- Cabdi Cigana gabayguu marshaan, haatan galayaaye
- Guuldarradiyo ciilkaad qabtee, gubaya laabtaada
- Gabaahiir Hargeysada la baday, maalin gelinkeeda
- Ee gaalo loo soo dalbaday, madax garaaceeda
- Gef inay ahayd ruux inkiray, waa garaad dhimmane
- Gummaadkaa kuwii gaystay ee, gaabshay ehelkeena
- Gurigaaga qaar baa fadhiya, iyo gadaashayda
- Inaan goobno soo wada xirroo, xeer u wada goyno
- Ama aan cafinno gabi ahaan, wa ay gudboonayde
- Mid gardaadso midna guluf ku kici waa gurracan taase
- Kala guurka meeshaas ha gelin, waa gar waanaduye
-
- Gabar yara haddii ay intaas, jeelka gudihiisa
- Gardaduub u xirantoo dulmigu, guudka sare dhaafay
- Go’aankaasna uu yahay miduu, gaaray madaxweyne
- Iyo garabcastiisiyo kudkude, gooya taladiisa
- Mar haddii miskiintaa la gabay, hiil u gunudkeeda
- Ehelkeenni kuwii gaabiyee, ina gabraaraayay
- Ee dummiyay guriggeenna baa, guudka noo surane
- Ooy wali geddoodii wadaan, loona gaardiyiye
- Gobonnimo inaan kaa maqlaa, waa i gali wayday!
-
- Garbadhiiglaheennii horee, geesh dhan kicinaayay
- Ee gobolba maantuu ku baxo, gowda kaga saaray
- Guhaadkiyo dhibkii uu faliyo, wuxu gummaadaayay
- Intay Koonfur geed ugu shirtoo, hiil isugu geysay
- Hargeysaan gubaynaa ma oran, godanki kheyraade
- Gar ilaahay waa loo Islaam, waadna garataaye
- Gacalkaaga shacab wada ahoo, garabsigaa dooni
- Oo gabi gantaal lala dhacoo, qaar gablamay buuxo
- Giriifkiyo gujada hoose iyo, iga gaddoon maanta
- Waxa godobta loo saarayaa, waa i gali wayday!
-
- Afartaas gorfeeyaye haddaan gobo’ yar raacsiiyo
- Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
- An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe
-
- Galbeed iyo Waqooyiyo Bariyo Koonfur gudaheeda
- Gacal iyo walaal baa dhammaan, garab ku naafoobay
- Meel kastaba mid baa gudin afweyn, gooyey xididkiiye
- Meel kastaba mid baa eed ka galay, goortu maamulaye
- Meel kastaba gabdhaa lagu wanjalay, goor habeen dumaye
- Ama guud-cirroolaa la dilay, guluftankeenniiye
- Dugaag aannu gacal moodnay baa, giigay hilibkeenne
- Indheergaradki arrin goyn jirana, waa la gowracaye
- Ma gudbaa dalkeennii u haray, garasho liitaahe
- Waxba shacabka yaan loo gafine, gabayga meekhaansha.
-
- Afartaas gorfeeyaye haddaan gobo’ yar raacsiiyo
- Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
- An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe
-
- Niman guuxayaa muuqda oo, soo garwaaxsadaye
- Anaa goba, adaa guna, anaa wiil Garaad dhalaya
- Haduu xaalku gobolaysi galo, amase beel gaaro
- Ooy teenni guud baylah tahay gabaygu naafoowye
- Geyigeennu waa iib haddaad, garankareysaane
- Ka guntada si aan loo gumayn, qaran gu’ weynaaye
- U guntada si aan gabar dambaba, loogu gacan qaadin
- Haddii kale ka gaabsada fidnada, Guba ku haasowga
- Godkii iilka iyo waxa dambayn, goob xanuun badane
- Guullaheen ka yaaboo ragyahow, gaabsha hadalkiinna
- Aniguna garsoorkii murtida waan, gunaanadaye
- Gabayguna ku xiran maansadaan, gacallayaaloowe.
**********Dhammaad*****************
Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon omarabdinur@hotmail.com London – UK, 13.01.2005
>>>>>>>>>>>>>> GARSOOR
Lixdan kii Ummad Gees aheyd
 Marka hore waad salaman tahiin bahda website ka somalitalk,
waxaan ahay mid ka mid ah abwaanada somaliyeed ee qurbaha ku nool magaceyga oo buuxa waa (cumar maxamuud maxamed) oo ku magac dheer (baarqab) waxaan doonayaa in aan halkaan
ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan ka weyn ee soomaliyeed (abshir nuur faarax ) bacadle) gabay gaas oo magaciisu
ahaa (Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay), waxaan doonayaa haduu rabi ogolaado inaan halkaan ku soo bandhigo madaama aan ahay abawaan soomaliyeed, sababta
ama u jeedada gabayga maaha in aan abwaanka lid ku ahay ama aan ka soo horjeedo ee waxaa igu kalifay gabay gaan in aan curiyo
dadkii gefka geystay kuma ekaan gabaygu waadna mahad san tihiin walaala yaal waana kan gabaygii oo dhan.
magaca gabaygu waa (lixdan kii umad gees aheyd)
-
abshiroow gabaygu marbuu kula tagaa godobna reebaaye
-
ninwalibana garaad kiisuu hadlaa garasho waa meele
-
gefef kuna marbeey kaa dhacaan adoon u guuxeyne
-
marka hore dib uga guro xumahaad galisay tariikhda
-
maanso waan u guuxaa inbadan waan gareys nahaye
-
hayeeshee gabyaa sare waataad aheyd gu'u iyo jilaalee
-
faysal ku gaar yeel xumaha intii geysatuu qabane
-
reerahana hakala geyn sharafbaa loo guntaa xarige
-
gobtu ways taqaan ragoow gees walbood eegto
-
nimuu walaalkii ganahayoo gees u riixaayoo
-
ama uu garbaduub intuu u xiray geeyay meel geesa
-
ogoow marbuu gacalka dhamaa gaalka aad sheegtay
-
gundhiga iyo u jeedada hadaan qalinka gaarsiiyo
-
gartu alee taqaanaa goor kastooy tahe
-
gilgishaye aan ku faro xaal inaad geeyso
-
gob iyo gaan geetahoon isqaban wuu i gali waayay
-
ninkii gafa lama daba galoo looma guumeeyoo
-
guushuu kaa heelaa markaad gumuc ku tuurtaaye
-
sidii godka loogu rido amase loo gaado
-
maskaxdaa go'aan laga dayaa gama'a howdiidin
-
intaa waan gor feeyaye midkale iga gudoon maanta
-
guri wiixii soo dumiyo dhibkii soomali kala gaaray
-
abshiroow gu'u iyo deyr wixii lays gumaadaayay
-
gandhari wuuxuu hooya dilay isaaq wuu ka gaar yahaye
-
sharafbuu gobal iyo dhuulkii goostay kaligiiye
-
inagaa is gooy naye raggaa yaan la gaaxine
-
godobteena aan dhaqnoo tolkeen yalasii gubine
-
geesi wuu garqaataa kolkii dagaal lagaga guuleysto
-
adiguna gadii lagugu yiqiin waad gadaal dhaaftay
-
gumaadkiyo xasuuqii miyaad garasho beel gaadhay
-
reer waqooyi hadii lala garamo ama garaab yaalo
-
inagaa gumeeynoo colaad geesta kala raacnay
-
nin walboo gor feeyana gardaraa geesta naga taala
-
waagii baryaba ragii tang lagu garaacaayay
-
koofur oo gurmada dadkaan geynay xeradadooda
-
inaan wali usii goodinaa waan ka gaabsadaye
-
lixdankii umad gees aheyd gacal ku soo maagay
-
oo gogoshaadii kuu yimid calana kuu geeyay
-
oo aan abaal kood la gudin lana garafeyay

faysal god iyo qool haduu mool is galinaayo
-
garaabada iyo ninkii la qaba madax garaaciisa
-
isagaa goor danbaba ku dhici hadaamuhuu maanta goobaaayo
-
beeshase in loo gudbaa waan ka gaabsadaye
-
goos goosan meynee qabiir soo gubtaad tahaye
-
aniguna hadaan soo galoo waan gardaad sadaye
-
dib u goco abshiroow wey gudboon tahaye
-
inaan kula gabyana xaajiyoow waan ka gaabsadaye
cumar maxamuud maxamed (baarqab) baarqab5@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

>>>>>>>>>>>>>>
LIXDANKII

|